Musharaxa xilka madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaliya weliba ah Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Baydhaba.
Waxa Garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin, xildhibaanno iyo dadweyne, iyadoo ay shalay magaaladasi gaareen gaadiid iyo ciidamo loogu talogalay in lagu sugo amniga C/casiis Lafta Gareen.
C/casiis Lafta Gareen ayaa ka mida Musharaxiinta ugu cad cad ee xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana taageeraya dowladda Soomaaliya, iyadoo la filayo inuu iska casilo xilalka Wasiir iyo xildhibaan, kuna dhawaaqo musharaxnimadiisa.