Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in hoolka Doorashada ay gaareen xildhibaannada iyo musharxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed.
Hoolka Shirka ee Madaxtooyada Baydhaba oo doorashadu ka dhaceyso waxaa tegay saddex ka mida musharraxiinta oo kala ah: Xuseen Cusmaan Xuseen, Ibraahin Macalin Nuur iyo Aadan Maxamed Nuur Sarannsoor, waxaa sidoo kale goor dhoweyd hoolka gaaray musharixiinta C/casiis Lafta-gareen iyo Sayid Axmed Sheekh Daahir.
Waxa socota qabanqaabadii ugu danbeysay ee doorashada maanta ka dhaceysa magaalada Baydhaba, iyadoo lagu wado inay goor dhow bilaabato, waxaana magaalada tegay Wafdi ka tegay magaalada Muqdisho oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya.