Puntland ayaa soo bandhigay kaararka doorashada Somaliland oo lagu qabtay degaano ka mida gobolka Sanaag.
Wararka ayaa sheegaya wafdi la socda asiiru dowlaha Qorsheynta Puntland Axmed Ibraahim Cawaale oo tegay Gobolka Sanaag degaano ka mida ay ciidamo la socday gacanta ku dhigeen qaar ka mida kaararka cod-bixinta Somaliland.
Puntland oo hore u sheegtay inay dagaal kala hortageyso doorashada Somaliland si aysan uga dhicin degaanada ay labada dhinac ku muransan yihiin ayaa u muuqata inay ku soo koobantay qabashada tobanaan kaar cod-bixib oo dadkii lahaa aan la soo bandhigin.
Daawo Sawiradda.