Wednesday, July 16, 2025

SAWIRRO: Puntland oo soo bandhigtay ciidamadii dowladda Federaalka ee loo diyaariyay dagaalka Gaalkacyo

Maamul Goboleedka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigtay galabta laba askari oo ay sheegtay inay ka tirsan yihiin ciidanka xoogga Soomaaliya oo la doonayay in loo adeegsado dagaalka magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka ka tirsan Puntland oo lagu magacaabo  Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay Waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegay askartan ay yihiin askar isa soo dhiibay oo u galay, kadib markii ay arkeen in loo adeegsan rabo dagaalka looga soo horjeedo Puntland.

Wasiirka deegaanku wuxuu sheegay inay hayaan cadeyn rasmi ah oo sheegaysa in dowladda Federaalku shan gaari oo ah nooca dagaalka ay uga qeyb qaateen dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Galmudug ee ka Gaalkacyo ka socday maalmahaan.

Ma jirto cid xaqiijin karta dooda Puntland, iyagoo aanay suuragal ahayn laba askari oo iyagu is dhiibay in lagu kalsoonaado waxa ay sheegayaan.

Caddeynta Puntland laga sugayay ayaa noqotay inay la soo shir tagto laba askari oo ay sheegeyso inay ka qeyb qaadan rabeen dagaal soo socda, taasoo ah wax lala yaabo marka la eego eedaha Puntland ee soo noqnoqday oo ku saabsan xiisadda ka oogan magaalada Galakacyo.

DAAWO ASKARTA PUNTLAND SOO BANDHIGTAY

puntland-askarpuntland-askar1puntland-askar2

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON