Monday, July 14, 2025

SAWIRRO: Qaar ka mida Wadooyinka isku xira Muqdisho oo lagu xiray dhagxaan iyo Carro

Wadooyinka yaryar ee isku xira magaalada Muqdisho ayaa lagu xiray dhagxaan iyo carro iyagoo laga joojiyay isu socodka Gaadiidka.

Jid-caddeyaasha gala Wadooyika halbowlaha ah ee magaalada Muqdisho oo ahaa wadooyin dadka iyo gaadiiidka mari jireen marka ay xirmaan wadooyinka waaweyn ayaa la xiray iyadoo lagu arkayo in lagu shubay carro iyo dhagxaan xilli ay Muqdisho ka socdeen howlgallo amni.

Meelaha uu saameeyay dhagax dhigga cusub waxaa ka mida Isgoysyada Danwadaagaha ilaa Isgoyska Zobe, waxayna arrintan kentay inaysan gaadiidku ka leexan karin Wadadda. Waxaa kaloo la jaray dhammaan jid-caddeyaashii dhex marayay wadadda Isgoyska Banaadir ilaa Isbitaalka Ex-Digfeer  iyo Isgoyska Tarabuunka.

Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa hore u balanqaaday inaan la xiri doonin jidadka Muqdisho, waxayna arrintan soo baxday kadib weerarkii Alshabaab ku qaadeen Baararka Pizza House iyo Posh oo dad fara badan ku dhinteen.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON