Gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay galabta isgoyska Taleex ee Magaalada Muqidsho, iyadoo la dhigay Albaabka Xarunta Bankiga Premier.
Gaari oo ahaa nooca Toyota Hilux ee qarxay ayaa la sheegay inuusan xilligaasi la socon qofkii lahaa. Ciidamada amniga ayaa xiray wadadda mashquulka badan ee Taleex, waxaana goobta laga badbaadiyey gawaari kale, kadib markii gaariga uu dab xoog leh qabsaday.
Afar qof ayaa la sheegay inay qaraxa ku dhaawacmeen, iyadoo gaadiidka gurmadka ay goobta ka qaadeen, isla markaana gaarsiiyeen isbitaallada.