Khasaaro xoog leh ayaa ka dhashay Qarax ismiidaamin ah oo maanta lagu weeraray saldhig ay ciidamada dowlada Soomaaliya ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo qarax kale oo lala beegsaday ciidamadii gurmadka ahaa ee dhaawacyada ka soo qaaday goobtaasi.
Weerarkan ayaa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Waxaa lala eegtay ciidamo tababar ka helay dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in ilaa 10 askari ay ku dhinteen qaraxa iyo qarax miino oo qabsaday ciidamadii dhaawaca siday.
DAAWO SAWIRRO