Ilaa saddex hoobiye ayaa ku soo dhacay xaafadda Shanta-geed ee degmada Howlwadaag, waxaana ku dhintay laba qof oo mid ka mida ay ahayd ardayad dhigata dugsi ku yaalla xaafadda.
Dhaawaca ayaa ka badan 10 qof, waxaana madfac ka mida uu ku habsaday Iskuulka Xasan Qariidi halkaasoo qasaare badan ka dhacay.