Monday, June 23, 2025

SAWIRRO: Q/Midoobay oo Muqdisho u soo dirtay Madaxa u qaablisan Amniga [Saacado loo xiray KM5]

Ku xigeenka xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Badbaadadda iyo Amiga Peter Drennan ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho.

Mr. Drennan ayaa kulan la yeeshay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu kala hadlay xaaladda ammaanka Muqdisho, iyadoo dhowaan Mareykanka uu soo saaray digniin ku saabsan weerarro ka dhaca caasimadda Soomaaliya.

Wuxuu kaloo kulan gaara la yeeshay maamulka G/Banaadir oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Taabit Cabdi Maxamed oo ay ka wadahadleen xaaladda amniga Muqdisho, dadkii wax ku noqday weeraraddii ugu danbeeyay iyo taageerada Q/Midoobay ka geysan karto xaaldda amniga.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Badbaadadda iyo Amiga Peter Drennan ayaa markii danbe booqday Isgoyska KM5 ee Soope, halkaasoo muddo saacado ah loo xiray wafdiga, waxaana ku wehliyay guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON