Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay kormeer ku tagay saldhigga Ballidoogle ee tababarka Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee yaqaan Danab.
Xubaha kormeerka ku wehluyey Ra’iisal Wasaaraha waxaa ka mid ahaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Cali iyo Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka, Saraakiil, waxayna u kuurgaleen xaaladda salhigga iyo ciidamada ku jira.
Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa sheegay in booqashadiisa ay qeyb ka aheyd sidii u ogaan lahaa horumarka ay sameeyeen sanadkii la soo dhaafay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab. ”Waxaan maanta booqday xerada Ciidanka Bali-doogle si aan u soo ogaado horumarka ay sameeyeen sanadkii la soo dhaafay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab.” Ayuu yiri RW Khayre.
Saldhigga Balidoogle oo ahaa garoon ay leeyihiin ciidamada cirka Soomaaliya wuxuu hadda xarun u yahay saldhig Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya oo halkaasi ku tababarra ciidanka Kumaandooska Soomaaliya, iyadoo aay ammaankiisa sugaan Ciidamada AMISOM ,iyo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya.