SAWIRRO: Shir Nooc cusub ah oo ka dhacay Xarunta G/Banaadir [Wasiiro & Guddoomiyeyaasha Degmooyinka oo kulmay]

0

Kulan ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa la isugu keenay Xubno ka mida Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobolka Banadir iyo Hay’adaha Amniga.

Shirkan oo ayaa kii ugu horeyay ee noociisa ah ayaa la sheegay in looga hadalay xaaladda Amniga iyo Caasimadda Muqdisho, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiro, taliyeyaasha ciidamada, maamulka Gobolka Banadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir.

Shirka oo u muuqday bandhig ayuu sheegay guddoomiyaha G/Banadir C/raxmaan Yariisow inay xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Hay’adaha amniga uga wadahadleen Amniga iyo horumarinta Caasimadda.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa Golihiisa wasiirada hore ugu amray Bishii Ramadaan ka hor in wasiir waliba uu isku qoro degmo ka tirsan Gobolka Banadir oo uu kala shaqeeyo arrimaha amniga, qorshahaas sidii loogu talogalay u socon waayey.