Wednesday, June 25, 2025

SAWIRRO: Ugaaska Ciise Mudulood oo ku biiray shirka Beledweyne & fariin uu u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Waxaa maanta si rasmi ah shirka Dib u heshiisiinta ee magaalada Beledweyne ugu biiray wafdi hogaaminayo Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi Ugaas Cumar iyo nabadoono iyo waxgaradka ka tegay Muqdisho.

Wafdiga Ugaaska Beessha Ciise Muddulood Ugaas Cumar Ugaas Cilmi waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaalif ku soo dhoweeyay Duubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan, Nabadoon, Waxgarad iyo Weybaha kala duwan ee Bulshada.

Ugaaska Wafdiga waxay degdeg u tageen xarunta Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega gobolka Hiiraan oo ay ku soo dhoweeyeen Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo ugaasyada Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Ugaas Cusmaan Ugaas Cilmi Ugaas Cumar ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka dib u heshiisiinta Beledweyne ka sheegay farriin  uu u diray Madaxweynaha  dowlada Federaalka Xassan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in looga baahan yahay in  gogosha Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu dib ugu soo celiyo Magalaada Beledweyne.

Ugaas Xassan Ugaas khaalif iyo qaar ka mida  Duubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa si diiran ugu soo dhoweeyay shirka Duubka cusub ee ku soo biiray shirka beelaha gobolka Hiiraan.

DAAWO SAWIRRO

Ugaas_cusmaan5

Ugaas-Cusmaan7

Ugaas-Cusmaan1
SAWIRRO: Ugaaska Ciise Mudulood oo ku biiray shirka Beledweyne & fariin uu u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Ugaas_cusmaan6

Ugaas-Cusmaan-8

Ugaas-Cusmaan8

Ugaas-Cusmaan3

Ugaas_cusmaan2

Ugaas_cusmaan3

Ugaas-Cusmaan4
SAWIRRO: Ugaaska Ciise Mudulood oo ku biiray shirka Beledweyne & fariin uu u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Ugaas-Cusmaan5
Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON