Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xarunta Madaxtooyada ee State House ku qaabilay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo riday 21 madfac oo maamus madaxweyne ah, wuxuuna salaan ka qaatay ciidamo ka tirsan ilaalada madaxtooyada Kenya.
Kulan labada madaxweyne yeesheen ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya, waxaana maanta ay kulan qado sharaf ah  ku wada qaadanayaan madaxtooyada Kenya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho saddex maalmood qaadaneysa uu ku joogaa magaalada Nairobi, isagoo ka qeyb galaya shir madaxeedka IGAD ee arrimaha Qaxootiga Soomaaliya.
SAWIRRO
Goobjooge.com