Waxaa magaalada Cadaado goor dhoweyd gaaray madax ka tirsan maamul Goboleedyada dalka iyo beesha caalamka.
Madaxda lagu soo dhoweeyay Magaalada Cadaado ee ka qeybgaleysa xafladda caleemo saarka madaxweyanha Galmudug waxaa ka mida: Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating, Wakiilka Midowga Afrika Fracios Madeira, madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno kale.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu goor dhow gaaro magaalada Cadaado, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada oo ciidamo ka tirsan AMISOM, NISA iyo kuwa Booliska.
SAWIRRO