Howlgal lagula tacaalayo dab ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha, magaalada Muqdisho ayaa socda, kadib markii uu caawa dab qabsaday suuqaasi.
Dabka ayaa ka bilowday qeybta Huudheyda, wuxuuna ku fiday qeybta Maacuunka ee suuqa Bakaaraha iyo qeybta Bacadlaha iyo Kawaanka, waxaana uu geystay qasaare hantiyeed, waxaana ilaa iminka gubtay goobo ganacsi oo fara badan. Waxaa la sheegay inuu ka kacay koronto waxaana goobta gaaray gaadiidka dab damiska oo kala duwan, iyadoo ciidamada dowladda ay amniga sugayaan.
Waxaa suuqa tegay dad fara badan oo ku yaacay, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan inuu socdo dadaal weyn oo loogu jiro in dabkaasi lagu damiyo, iyadoo uu dabku si xowli ah uga socdo qeybo ka mida suuqa.
Dad fara badan oo ku xoomay suuqa ayaa dhaliyey amni darro, waxaana ciidamada amniga ay marmar ridayaan rasaas si ay u kala eryaan dadka faraha badan ee qaarkood laga shakiyey.
Dabka ayaa ka demiyey kadib muddo 6 saacadood ka badan oo uu suuqa ka socday, waxaana ku bas beelay hanti badan oo isugu jira ganacsiyo fara badan, iyadoo ay hanti beeleen ganacsato badan.