Aqalka Sare oo soo xiray kalfadhigiisii Afraad xilli ay joogsatay wadashaqeyntii Golaha Shacabka

Kalfadhigii afraad ee aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lasoo xiray kadib qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi.

Qoraalka Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa loo kala diray senatoorada Aqalka sare, iyadoo lagu wargeliyey inuu xirmay Kal-fadhigii afraad 10-ka Bishan Janaayo 2019-ka, dibna u furmi doona 10-ka Misha Maarso ee 2019.

Aqalka sare ayaa  go’aankan u cuskaday qodobbada 74-aad iyo 23-aad ee Dastuurka ku meel gaalka ah, kaas oo qabo in Goluhu uu Sanad kasta yeelanayo laba kal-fadhi, mid kastana uu socon doono muddo Afar Bil ah.

Furitaankii kalfadhiga la xiray ayaa khilaaf ku bilowday markii Aqalka Sare ay diideen inay qeyb ka noqdaan furitaankii kalfadhiga ee Golaha Shacabka, taasoo keentay inay iskood  furtaan kalfadhiga iyadoo aanu ka qeyb gelin madaxweynaha.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xiriirka labada aqal ee Baarlamaanka uu meel xun marayo markii aqalka sare uu joojiyey xiriirkii kala dhaxeeyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

115,664FansLike
655FollowersFollow
2,707FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

115,664FansLike
655FollowersFollow
20FollowersFollow
2,707FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!