Xildhibaanada taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa kulan Qado& dhoolatus isugu jira maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Xildhibaanadan oo sheegay inay tiradoodu gaareyso ku dhowaad 100, lana baxay Badbaadada Barlamaanka ayaa sheegay inay ka tashanayaan arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso tallaabada xigta kadib markii madaxweyne Farmaajo oo hakiyay fadhigii muranka badan dhaliyay ee Baarlamaanku yeelan lahaa Sabtidii.
Arrimaha kulanka xildhibaannada Garabka Jawaari ay uga hadleen waxaa ka mida talo kusaabsan qorshaha marxaladda xigta ee khilaafka Baarlamaanka, Xaaladda khilaafka baarlamaanka ee taagan, nabadgalyada dalka & xaaladda xuduudaha dalka ka soo korortay.