Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa soo dhoweynu sameeyay siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Waxa xildhibaannada ka dhex muuqday xubnaha mucaaradka ah ee ku kacsan dowladda Farmaajo, kuwaasoo garoonka Muqdisho kasoo garab galay, waxaana bannaanka garoonka iyo agagaarka Hotelka Jaziira taagnaa taageerayaasha siyaasiga.
Soo noqoshada mid ka mida ragga mucaaradka ah ee sida weyn uga soo horjeeda dowladda Farmaajo ayaa ku soo beegantay iyadoo ay magaalada Muqdisho ka socdeen banaanbaxyo goosgoos ah oo lagu taageerayo madaxweyne Farmaajo oo shalay mooshin laga gudbiyey.



