Xoogsato careysan ayaa maanta bannaanbax ka dhigtay iridka madaxtooyada magaalada Muqdisho ee Villa Somalia.
Xoogsatadan ayaa ahaa kuwa ka xamaasha Kaawooyinka laga qodo dhagaxa iyo carrada, waxayna ka cabanayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka hor istaagay shaqadooda.
Dadka bannaabaxayay oo watay qalabkooda shaqada, rag iyo dumarka lahaa ayaa sheegay inay shaqooyinkooda ka hor istaageen ciidamo hubeysan oo baad ka qaadanaya, ayna dacwo u yihiin madaxweynaha Soomaaliya.
Xoogsatada ayaa dhoogay iridka laga galo madaxtooyada, waxaana halkaasi ay diideen inay ka tagaan inta ay arrintooda gaarsiinayaan madaxweynaha.
Dhibaatooyinka qotada dheer ee Muqdisho ka jira ayaa keentay in cabashada ay sare u kacdo iyadoo aanu jirin mas’uul ka sokeeya madaxweynaha oo wax ka qaban kara dhibaatooyinka jira.
Goobjooge.com