Mid ka mida wadooyinka ay xirteen ciidamada Booliska ayaa maanta dib loo furay Magaalada Muqdisho.
Wadadda la fulaya ayaa hor marta Xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada Cabdicasiis, magaalada Muqidsho, waxayna ahayd goob ay dhibaato ku qabaan dadka isaga socda degmooyinka C/casiis iyo Kaaraan ee Gobolka Banadir.
Ciidanka Booliska ayaa aqbalay codsi maamulka Gobolka Banaadir u direen oo ku saabsan furista wadaddasi, iyadoo ay furisteeda ka qeyb galeen guddoomiyaha G/Banadir iyo saraakiil ka tirsan ciidamada booliska.