Friday, July 4, 2025

Saxafi ka tirsan Warbaahinta Dowladda oo lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saxafi ka howlgala Warbaahinta dowladda Soomaaliya la dhaawacay.

Saxafigan oo magaciisal agu sheegay Fahad Cabdi ayaa la sheegay in rasaasta ay ku dhacday qoorta, kadib markii ciidamo ilaalo ah ay toogteen.

Falkan ayaa ka dhacay agagaarka Tiyaatartka Qaranka iyo Guriga Hooyooyinka, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in xaaladiisa ay degan tahay oo la dhigay Isbitaal.

Ciidamada ilaalada madaxda dowladda ayaa qeyb ka noqday amaandarrada magaalada iyagoo ku lug yeeshay dilal iyo rasaas lagu furo wadooyinka, waxaana la xusuustaa inay geysteen dilkii Wasiirkii Howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya Cabaasi Siraaje.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON