Saturday, June 28, 2025

Saxafiyiin ku dhaawacmay iyo xildhibaano deganaa Hotelka Dayax ee weerarku ka socdo

Wararkii ugu danbeeyay ee weerarka lagu qaaday Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay ku dhaawacmeen saxafiyiin dhowr ah.

Qarixii labaad ayaa dhaliyay in saxafiyiin goobta joogay uu dhaawac ka soo gaaro, waxaana ilaa iminka la xaqiijiyay in saddex weriye ay ku dhawacmeen weerarka.

Dhnaca kale waxaa hotelka deganaa xildhibaano ka  tirsan Golaha Barlamaanka cusub oo ilaa iyo hadda aan warkooda la heynin.

Waxaa socda dagaal dhex maraya ciidamada ammaanka iyo dabley gudaha u gashay Hotelka oo rasaas iyo bambooyin rideysa.

Qasaaraha hordhac ah ayaa sheegaya in 4 qof ku dhinteen qaraxa, halka in ka bdan 10 kale ay ku dhaawcmeen oo saxafiyiin ay ku jiraan.

HALKAN KA AKHRISO MAGACYADA SAXAFIYIINTA DHAAWACMAY

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON