Saynis yahan reer Iiraan ah oo xirnaa tan iyo sanadkii 2010-kii ayaa la daldalay, sida ay qoyskiisu shaaciyeen.
Shahram Amiri wuxuu ahaa saynisyahan caan ah oo u dhashay dalka Iiraan, wuxuuna heer sare ka gaaray cilmiga niyukliyeedka isagoo hayay sir badan oo ku saabsan barnaamijka Niyukliyeerka dalka Iiraan, laakin waxay qisadiisu bilaabatay markii uu safar u aaday dalka Sacuudiga si uu u soo guto xajka sanadkii 2009.
Safarkaas kadib ayaa la waayay saynisyahankan waxaana markii danbe la ogaaday inay dalka Sacuudiga ka afduubteen sirdoonka Mareykanka oo geystay dalkooda.
Amiri oo dhashay sanadkii 1977, wuxuu ahaa nin si weyn looga qadariyo dalka Iiraan, balse dhacdadaasi kadib ayuu lagu arkay dalka Mareykanka isagoo sheegay in la afduubtay cadaadis dhanka maskaxda ahna lagu saaray in uu CIA-da siiyo macluumaad xasaasi ah.
Wuxuu sheegay in sirdoonka Maraykanka ay geeyeen guri uusan garanaynin meel uu ku yaallo, laguna duray dawo. Mar kale ayuu haddana muuqaal video ah ku sheegay inuu ka soo baxsaday maxbuusnimadii Maraekanka, wuxuuna dalka Iiraan ku laabtay 2010-kii, markaas oo loo soo dhoweeyay sidii qof halyeey ah.

Iiraan ayaa xabsi dheeer ku xukuntay iyadoo shaki weyn ka qaaday saynisyahankan mar ahaa nin dalkaasi laga jecel yahay, waxaana ugu danbeyn kagu fuliyay xukun lagu daldalay.
Hooyadii ayaa sheegtay in maydka wiilkeeda loo keenay, iyadooo qoortiisa ka muuqdaan, calaamado muujinaya in la daldalay. Waxaa markii dambe lagu aasay magaaladii uu ku dhashay, waxayna tani soo gabagabeysay nolosha jaha wareerka badan ee Shahram Amiri.
Shahram Amiri waxay CIA-da Mareykanka siisay lacag dhan 5 Milyan Doolar oo lagu siiyay warbixintii qiimaha lahayd ee uu ka siiyay barnaaamijka Niyukliyeerka Iiraan, waxayna sanadkii 2010 sheegtay inay aad ula yaabtay inuu iskiis u doorto dib ugu laabsahada Iiraan.
CIA-da ayaa xilligaasi sheegtay inay aaminsan tahay in Shahram Amiri u yahay laba wejiile, waxayna ka shakisay in Iiraan u ogolaatay saynisyahan inuu iskiis ugu dhoofo Sacuudiga, kadibna uu haddana iskiis ugu noqdo Iiraan.
Wakaalado