Senator Iftiin Xasan Baasto oo ka mida xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu ku fashilmay hoggaankii dalka.
Wuxuu sheegay inuu dalkii faraha ka baxay, isla markaana uu dhinac waliba hoggaaminta dalka ku fashilmay madaxweyne Farmaajo, isagoo xalin waayey khilaafka labada gole, uu haddana soo wakiishay Ra’iisal wasaaraha oo sharci darro ku furay Aqalkii Sare, wuxuuna usoo jeediyey nuu xilka banneeyo oo is casilo.
“Wixii maanta dhacay waxaa sabab u ah madaxweynaha oo maanta imaan waayey Aqalka Sare oo nasiib darro soo diray Ra’iisal wasaare, waa nasiib darro dhacday oo mas’uuliyadeeda uu leeyahay Madaxweynaha.. Waxaan leeyahay madaxweyne waad ku fashilantay hoggaankii ee is-casil oo ua bannee dad kale..” ayuu yiri Senator Iftin Xasan Baasto.
HOOS KA DAAWO