Friday, June 27, 2025

Senetor Faroole iyo Jurrile: “Farmaajo wuxu isku dayayaa inuu la wareego hannaanka Doorashada..”

Labada Senator ee C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo C/risaaq Cismaan Jurrile ayaa Qoraal wadajir ah oo loogu talogalay Beesha Caalamka soo saaray iyadoo cambaareeyay weerarkii Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku qaadeen Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh iyo bannaabaxii ay hoggaaminayeen musharixiinta uu ka mid yahay Xasan Cali Kheyre.

Qoralka C/raxmaan Faroole iyo C/risaaq Jurrile ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda loo adeegsaday in lagu weerarro bannaanbax nabadeed oo ah xaq uu dastuurku siinayo muwaadinka Soomaaliyeed, taasoo halis gelineysa geedi socodkii dowladnimada Soomaaliya.

Waxay ku eedyeen madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Cllaahi Farmaajo inuu si cad ugu tuntay Dastuurka dalka, isagoo Ciidanka Qaranka u adeegsaday weerrarada lagu beegsaday siyaasiyiinta Midowga Murashixiinta Muqdisho.

Laba Senatoor waxay Farmaajo ku eedeeyeen inuu dhaqankiisa faragelinta ah iyo qalalaase abuurka uu halis ku yahay Doorashada, isagoo isku dayaya inuu la wareego hannaankii doorashada, qof waliba ka welwelsan tahay sida looga gudbi karo xaaladii ka dhalatay shaqaaqadii 19-ka Febraayo.

Sidoo kale, waxay dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada, Guddoonada labada Aqal, Murashixiinta Mucaaradka iyo dhammaan saamileyda siyaasadda dalka ugu baaqeen in laga fogaado wax kasta oo colaad kicin kara, lagana wada shaqeeyo sixidda Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee 17-kii September 2020 si loo hirgeliy Doorashada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON