Sunday, July 13, 2025

Sh. Adan Madoobe oo magacaabay Guddi soo baara xildhibaannadii Fowdada sameeyay

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta magacaabay Guddi xildhibaanno ah oo soo baara dhacdadii qalalaasaha iyo fowdada ahayd ee qaar ka mida xildhibaannada ay ka sameeyeen Golaha fadhigii ansixinta xukuumadda.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu magacaabay Guddi ka kooban 5 xildhibaan oo baaritaan ku sameeya dhacdadii Axadii ee Golaha oo xildhibaano ay gacan ka hadal iyo is hortaag shaqada Baarlamaanka ku kaceen, iyadoo diidan in cod gacantaag ah lagu ansixiyo xukuumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre.

Guddiga baaritaanka kiiskan oo ah anshax marin ayaa kala ah:

1- C/raxmaan M. Xuseen (Odowaa)

2- Axmed Maxamuud Jaamac

3- Axmed Cabdi Kooshin

4- Maxamuud C/qaadir Xaaji

5- Ismaciil Ciid Maxamed.

Guddigan ayaa Xog aruurinta iyo Wareysiyo la sameynaya Xubnaha Golaha Shacabka ee xaadir ku ahaa kulankii Axadii iyo cid kasta oo goobta kulanka ee Villa Hargeysa ku sugneyd si loo helo macluumaad buuxa.

Diyaarinta Warbixin dhameystiran iyo natiijada kasoo baxda xog aruurinta iyo talo soo jeedinta Guddiga ayaa loo gudbin doonaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Xoghayaha Golaha Shacabka ayaa waxaa la faray in wixii tasiilaad ah oo ay guddiga u baahdaan in loo fududeeyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON