Sunday, July 13, 2025

SH/HOOSE: Weerar Askar badan lagu dilay oo lagu qaaday Askar Galbineysay Gaadiid xamuul (Faahfaahin)

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay weerer jidgal oo culus ku qaadeen Gaadiid ay galbinayeen ciidamada dowladda inta u dhexeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye.

Weerarkan oo dhaliyey qasaare xoog leh ayaa ka dhacay Tuulada Doonka oo 10 KM u jirta dhinaca Galbeed ee Degmada Afgooge, siiba jidka aada Wanlaweyn, waxaana lagu beegsaday Gaadiid dhuxul siday oo ay galbinayeen ciidamada dowladda, iyadoo lagu dilay 9 qof oo laba ka mida ay yihiin Darawalladii Gaadiidkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Gadiidkan Dhuxusha siday laba ka mida ay rogmadeen iyadoo isku dayay inay ka baxsadaan dagaalka ay Alshabaab ku qaadeen Kolonyada, waana dagaalkii ugu cuslaa ee dhex mara Alshabaab iyo ciidamada galbiya Gaadiidka Dhuxusha sida.

Alshabaab ayaa sheegatay inay weerarka Wanlaweyn ku dishay 9 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, iyadoo aanay weli wax war ah kasoo saarin Taliska Milateriga iyo maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON