Monday, July 14, 2025

Shacab Reer Muqdisho ah oo Gacanta ku dhigay Dabley Alshabaab oo isku day Dil geystay.. (Sawirro)

Shacabka Muqdisho ayaa markii ugu horeysay ka hortegay tallaabo geesinimo leh markii ay ka daba tageen Dabley Alshabaab ahaa oo toogasho ku dhaawacay Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska.

Shacabkan oo ku nool degmada Hodon, gaar ahaan xaafadda Seybiyaano Sabtidii shalay si aan hore loo arag u daba galay nin dabley ah oo Bistoolad ku hubeysnaa, kaasoo rasaas ku furay askariga Booliska ah, kadibna isku dayey inuu baxsado, laakiin dadkan oo koox shacab ah ayaa ka daba qeyliyey oo ugu danbeyn gacanta ku dhigay.

Markii ay dad badan isugu soo baxeen ayna maqleen qeylo dhaanta ahayd: “Qabta Shabaabka” ayaa waxaa dhacday inay ceyrsadaan ninkii dableyda ahaa oo markii danbe ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan, kadibna waxaa gacanta ula tegay qaar ka mida dadweynihii oo jirdil u geystay, waxaana goobta gaaray oo kala wareegay ciidamada Booliska.

Arrintan ayaa muujineysa inay is bedeshay fekerkii dadweynaha oo bilaabay inay gacanta ula tagaan dableyda dilalka qorsheysan ka geysata Muqdisho ee Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON