Sunday, July 13, 2025

Shaki hareeyay Booyad la sheegay in Qaraxyo lagu diyaariyey oo lagu qabtay Sh/hoose [Daawo]

Taliska ciidamada Soomaaliya ee Danab ayaa faahfaahin ka bixiyey Gaari Booyad ah oo la sheegay in qaraxyo laga soo buuxiyey oo lagu arkay degaanka Sabiib ee Gobolka Sh/Hoose oo ciidamada ay qabsadeen Isniintii.

Afhayeenka Ciidammada DANAB Dhamme Cabdi Cali Raage ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in y qabteen gaari Booyad oo Qaraxyo laga buuxiyey, lana aaminsan yahay in lasoo gelin lahaa magaalada Muqdisho, wuxuuna intaas ku daray in ciidamadu ay meel bannaan ah geeyeen, halkaasina ay ku qarxiyeen, wax qasaare ahna aysan geysan.

Arrintan ku saabsan booyadan qaraxyada ku raran yihiin oo si weyn loo buunbuuniyey ayaan laga helin wax sawirro iyo muuqaallo ah oo ciidamadu ka qaadeen, taasoo sii xoojisay shakiga ku saabsan jiritaanka Booyada iyo inay tahay oo kaliya Sheeko warbaahineed.

HOOS KA DAAWO AFHAYEENKA DANAB

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON