War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in fal dil ah uu goor dhoweyd ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Buundooyinka ee degmada Waaberi, waxaana halkaasi koox bistoolado ku hubeysan ay dileen Qof Shacab ah oo ka tirsanaa shaqaalaha shirka isgaarsiinta Hormuud, sida ay sheegeen dadka degaanka.
Kooxda dilka geystay ayaa la sheegay inay wadatay Gaari yar oo nooca raaxada ah, waxayna toogteen mid ka mida Shaqaallaha Shirkadda Hormuud oo magaciisa lagu soo gaabiyey Suleymaa,n iyagoo ku dhex dilay xarun ay shirkadda u leedahay halkaasi.
Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsatay goobta, waxaana markaasi kadib goobta gaaray ciidamada amniga.