Monday, July 14, 2025

Shaqaale ajnabi ah, kana tirsan Hay’adda UNICEF oo Muqdisho lagu dilay

Wararka lags helayo degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir says sheegaya in nin Ajnabi ahaa oo ka tirsanaa shaqaalaha Hay’adda UNICEF ayaa lagu dilay xarun ay Hay’addu ku leedahay degmadaasi.

Ninkan la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha cuntada kariya ee xaruntaas ka howgala, waxaana dilkaasi geystay mid ka mid ah ilaalada Soomaalida ah ee la shaqeeya Hay’adda UNICEF.

Ninka LA tirsan Shaqaalaha Unicef we la dilay ayaa wararka waxa ay sheegayaan in uu u dhashay Uganda, iyada oo xog kale sheegeyso in uu u dhashay dalka Kenya, balse ilaa hadda si dhab ah looma xaqiijin wadanka uu ka soo jeedo.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu ka baxsaday xarunta, balse Ciidamada ammaanka ayaa ku daba jira dambiilaha dilka geystay, sidoo kalena ay baarayaan sida ay wax u dhaceen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON