Guddoomiye cusub ayaa loo magacaabay degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir, kadib wareegto kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow.
Gudoomiyaha cusub ee ee degmada Cabdicasiis ayaa loo magacaabay Ismaaciil Mukhtaar Cuma oo ka mid ahaa shaqalaha wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaliya oo ahaa weriye, kadibna noqday madaxa Wakaaladda Wararka SONNA, iyo agaasime waaxeed ka tirsan Wasaaradad Warfaafinta.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii danbe isbedel ku waday guddoomiyeyasha degmooyinka G/Banaadir, shalay ayay ahayd markii guddoomiye cusub loo magacaabay degmada Yaaqshiid.