Weriye ka tirsanaa Wasaaradda Warfaafinta oo loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada C/casiis

Guddoomiye cusub ayaa loo magacaabay degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir, kadib wareegto kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow.

Gudoomiyaha cusub ee ee degmada Cabdicasiis ayaa loo magacaabay Ismaaciil Mukhtaar Cuma oo ka mid ahaa shaqalaha wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaliya oo ahaa weriye, kadibna noqday madaxa Wakaaladda Wararka SONNA, iyo agaasime waaxeed ka tirsan Wasaaradad Warfaafinta.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii danbe isbedel ku waday guddoomiyeyasha degmooyinka G/Banaadir, shalay ayay ahayd markii guddoomiye cusub loo magacaabay degmada Yaaqshiid.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

119,260FansLike
744FollowersFollow
2,865FollowersFollow

XOGAHA QARSOON