Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in magaalada laga saaray shaqaalaha ajnabiga ahaa ee Hay’adda Laanqeynta Cas ee adduunkla ICRC oo ku sugnaa caasimadda.
Shaqaalaha ajnabiga ahaa ee u shaqeyneyay hay’adda ICRC ayaa maanta laga duuliyey magaalada Muqdishu, sida ay sheegeen ilo ka tirsan ICR, waxayna arrintan ka danbeysay kadib markii xalay xarunta ICRC ee Muqdisho laga afduubtay haweeney u dhalatay Jarmalka oo kalkaaliso caafimaad ahayd.
Tiradda Shaqaalaha ICRC ee laga saaray Muqdisho ayaa lagu sheegay inay ahaayeen laba qof oo ajnabi ah, iyadoo aan la shaacin magacyadooda iyo dalalka ay kasoo jeedaan midna, waxaana tallaabadan loo qaaday xaalad amni darteed.
Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa baaritaan ku haya afduubka ka dhacay Muqdisho, iyadoo la sheegay inuu ka danbeeyay mid ka mida shaqaalihii hay’adaasi ilaalada u ahaa.