Thursday, June 26, 2025

Shaqaaqo ka dhacday Suuqa Qaadka lagu iibiyo ee Magaalada Muqdisho & dhimasho dhalisay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari milateriga Soomaaliya ka tirsan uu fal shaqaaqo ah ka geystay suuqa Beerta ee qaadka lagu iibiyo, degmada Hodon ee magaalad Muqdisho.

Askarigan ayaa isku dayey inuu qaad xoog uga qaato ganacato iibiniyay, kadibna muran iyo is jiidjiid dhex maray uu rasaas ku furay, iyadoo halkaasi ay ay ku dhintay qof ganacsade ahaa, mid kalena uu dhaawacmay.

Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaan la sheegay dadka qasaaraaha dhimashada iyo dhaawacu soo gaaray ay ahaayeen ganacsatada Qaadka ku iibisaSuuqa Beerta Qaadka ee degmada Hodan.

Sidoo kale waxaa maanta laba qof oo rayid ah lagu dilay isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON