Dowladda hoose ee Magaalada Garoowe xabsi dhigtay darawalllada ku shaqeysta Bajaajta Magaaladaasi, iyadoo la joojiyey shaqadii Bajaajlayaasha.
Bajaajleyda magaalada Garowe ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin fowdo dhinaca amni darrada ah oo ka socota Magaalada. Xoghayaha dowladda hoose ee Magaalada Garoowe Maxamuud Cali Gureey ayaa sheegay inay xir xireen boqolaal Bajaajley ah iyaga oo Bajaajyadiina Garaash ku xareeyay kaddib markii Ragga ku shaqeysta Bajaajta ay diideen wada shaqeynta dowladda hoose.
Bajaajta Garoowe ayuu sheegay in habeenkii laga furo Taargada laguna dhaco Haweenka ka adeeganaya suuqa,sidoo kale waxaa uu xusay in Bajaajlayaasha ay jebiyeen amarka dowladda hoose oo ahaa in meelo gaar ah oo loo cayimay ay ka rartaan sida Boosteejada oo kale taasna ay socon weysay.
Maamulka Dowladda Hoose ee Garowe ayaa ku doodaya inay dhowr jeer u yeereen Milkiilayaasha ayuu sheegay in tiro yar ay aqbashay islamarkaana inta badan ay diideen in ay tagaan kulankaas,waxaana uu xusay in inta kulankaas tagtay kaliya heystaan fasax ay ku shaqeystaan iyada oo inta kale ay ku jirayaan Garaashyada.