Monday, June 23, 2025

Sharci-yaqaanno taageersan Madaxweyne Trump oo olole ugu jira inay joojiyaan Buug la qoray oo halis ah

Garyaqaanada u doodaya madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah buug laga qoray madaxweynaha oo aanan wali soo bixin, balse macluumaadkiisa loosoo dusiyay warbaahinta Maraykanka.

Buugga ayaa waxaa qoray wariyaha lagu magacaabo Michael Wolff, waxayna garyaqaanada doonayaan in gabi ahaanba la joojiyo in buugga la daabaco, isla markaasna uu soo baxo.

Waxa ay sheegeen in buugga ay ku jirto af lagaado iyo meel ka dhacyo ka dhan ah madaxweyne Trump. Waxa buugga lagu soo xiganayaa ninkii Trump u qaabilsanaa dajinta qorsheyaasha istaraatiijiga ah Steve Banon iyo illaa 200 qof kale.

Waxyaabaha buugga ku jira waxaa ka mid ah in Banon uu wiilka madaxweynaha ku sheegay in uu galay qiyaano qaran kadib kulankii uu la yeeshay mas’uuliyiin ka socota dalka Ruushka.

Waxa kale oo buugga ku jira in Trump uu aad ula yaabay guushii uu ka gaaray doorashada, kadibna uu ka xanaaqay xafladdii caleemo saarkiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON