Friday, June 27, 2025

Shariif Sheekh Axmed oo 2 sano ka hor ku dhawaaqay musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaliya sanadka 2021, ka hor laba sano xilliga doorashada.

Sheekh Shariif aya xaqiijiyey inuu isagu leeyahay xisbiga Himilo Qaran, kuna geli doono doorasho isagoo hoggamainaya xisbigaasi doorashada soo socota, wuxuuna dowladihii ka danbeeyay uu sheegay inay waxba qaban waayeen, isaguna uu yahay hoggaamiyaha ugu waxqabadka badnaa.

Wareysi uu siiyey wargeyska Standard ee Nairobi kasoo baxa yuu Sheekh Shariif ku sheegay in xaaladda hadda dalka ka jirta iyo karti la’aanta dowladda ay ku dhalisay inuu mar kale xilka madaxweynaha isu sharxo, wuxuuna sheegay in dagaalkii lagula jiray Alshabaab aanu socon wixii isaga maamulkiisa ka danbeeyay.

Sheekh Shariif oo fadhigiisa ugu weyni yahay magaalada Nairobi ayaa warar hore u soo baxay sheegayeen inuu heshiis hoose la galay madaxweyne Farmaajo loona qoray kharash bille ah, si aanu u dhaliilin dowladda hadda jirta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON