Wararka laga helayo magaalada Garowe oo ay ka socoto qabanqaabada xafladda caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa sheegaya in mid ka mida madaxdii lagu casuumay xafaldda uu ka cudurdaartay.
Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar)Â oo lagu waday inuu ka qeyb galay xafladda xafladda caleema-saarka madaxweyne Siciid Deni aayaa la sheegay inu xiriir la sameeya, madaxweynaha Puntland, isagoo uga cudurdaartay inuusan ka qeyb geli karin xaflada, kadib xaalado siyaasadeed kacsan oo soo wajahay.
Dhinaca kale waxaa si weyn magaalada Garowe looga hadal hayaa casuumaadda ay Puntlad u fidisay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya.