Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa farriin uu soo diray ku sheegay xaaladiisa iyo halka uu marayo ololahiisa Doorashada.
Shariifka oo muddooyinkii ugu danbeeyay laga waayay masraxa siyaasadda isla markaana dad badan ay isla dhex marayeen in musharaxnimadiisa ay halis ku jirto ayaa farriintiisa ku sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Nairobi, isla markaana ku wajahan yahay magaalada Muqdisho.
Wuxuu kaloo farriintiisa ku sheegay inuu diyaar u yahay tartanka Doorashada isagoo rajeeyay guul, waxayna taasi soo afjartay wararkii la isla dhex marayay ee qaarkood ay sheegayaan inuu ka haray doorashada.
Madaxweynihii hore oo loo saadaaliyay inuu yahay mid ka mida musharixiinta ugu cadcad tartanka ayaa hadda waxaa muuqda in xaaladiisa ay hoos u dhac weyn ku timid arrimo u badan dhaqaale darteed.
Goobjooge.com