Madaxweynaha K/Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in qorshihii uu ku doonayay beelaha Digil & Mirifle ay noqdaan madaxweyne ama Ra’iisal wasaare uu socon waayay.
Isagoo maanta dib ugu laabtay Baydhaba ayuu sheegay in isku day weyn la sameeyay, laakiin dadkii walaalaha ahaa qaarkood ay balanta uga baxeen, laakiin wuxuu sheegay inaysan ka daali doonin xilka madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha inay Soomaaliya ka qabtaan beelaha Digil iyo Mirifle.
DHAGEYSO SHARIIF XASAN.
Waxa uu sheegay Xildhibaanada Koonfur Galbeed in ay balanta uga baxeen, maadaama hamigisa ugu sareeya uu ahaa in Koonfur Galbeed Madaxweyne ama Ra’iisul wasaare.
Goobjooge.com