Monday, June 23, 2025

Shariif Xasan oo Dalab culus hor dhigay musharax Madaxweyne Xasan Sheekh [Akhri Sharci darro]

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dalab sharci darro ah u dirtay madaxweynaha xilka sii haya ee Xasan Sheekh.

Shariif Xasan ayaa ka codsaday madaxweynaha Soomaaliya inuu dalacsiiyo saraakiisha ciidamada Koofur Galbeed ee Soomaaliya, kuwaas oo dagaal kula jira kooxda Alshabaab.

Wuxuu dalabkiisa ku soo beegay xilli xasaasi ah oo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay soo dhowaatay isagoo tilmaamay dalacsiinta ciidamo gaara oo ay ka mid yihiin: Ciidamada ammaanka Doorashooyinka ee Baydhaba qaabilsanaa iyo ciidamada dagaalka kula jira Alshabaab ee degaanada Koonfur Galbeed.

Ad

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa socdaalkiisii Baydhaba ee ugu danbeeyay  lagu qasbay inuu dalacsiiyo in ku dhow 200 ciidan iyo saraakiil isugu jira, iyadoo uu ogolaaday xilli dhaqan gashay wareegto uu hore u soo saaray oo ku saabsaneyd inaan dalacsiin iyo shaqo ka qaadis la sameyn karin xilliga kala guurka ah.

Arrintan sharci darrada ah ayaa mar horeba la jebiyay, iyadoo doorashada darteed madaxweynaha xilka sii haya uu sameeyay dalacsiintii ugu badneyn ee madaxweyne sameeyo oo boqolaal saraakiil ah lagu dalacsiiyay.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON