Shariif Xasan Sheikh Aadan madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa baaq u diray dhalinyarada beeshiisa Diigl & Mirifle isagoo u sheegay inay k baxaan Al-shabaab, isagoo u sheegay in la cafin doono.
Shariif Xasan oo lahjada maayga ku hadlayay ayaa sheegay inay soo dhoweyn doonaan dhalinyarada Al-shabaab ka tirsan ee dooneysa inay ka baxaan kuna soo biiraan maamulkiisa.
Wuxuu u sheegay in dhalinyarada u baahan yihiin waxbarasho iyo nolol wanaagsan, “Dhalinyarada la khalday waxaan leeyahay waxaad ku jirtaa wax fiican maaha kasoo laabta, waa la idiin cafinayaa dowlada Soomaaliya iyo caalamka cafis weydiisa waana la idiin ogol yahay in la idiin cafiyo”ayuu yiri Shariif Xasan.
Alshabaab ayaa la sheegaa in dhalinyarada ugu badan ee ay adeegsadaan ay yihiin kuwa kas oo jeeda gobollada Bay iyo Bakool.
Goobjooge.com