Monday, June 23, 2025

Shariif Xasan oo eedeyn kulul u jeediyay Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si kulul u eedeeyay Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM e ka howlgala Soomaaliya, gaar ahaan kuwa fadhigoodu yahay Gobolladaa Sh/Hoose iyo Bay.

Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay ka adkaan waayeen Al-Shabaab, kuna guuldarresyteen inay furaan wadadda isku xirta Muqdisho iyo Baydhaba, iyadoo ay dhibaato badan ka taagan deegaanada Maamulkiisa iyo isu socodka dadka iyo Gadiidka.

“Ciidamada AMISOM way ku guuldarreysteen iney isu furaan isticmaalka wadooyin muhiim oo ku yaala deegaanada Koofur Galbeed, Gaar ahaan degmooyinka saddexda Gobol ee ka kooban tahay Koofur Galbeed, shacabna kuma dhiiran karaan dhibaatada ka jirta..” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka hadlayay munaasabadii furiraanka kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka K/Galbeed.

Ad

AMISOM ayaa isaga guurtay degaanka Leego oo ahayd xarunta weyn ee laga ilaaliyo jidka isku xira Afgooye iyo Baydhaba, waxaana arrintaasi uga sii dartay ammaanka wadadda oo keentay inay kala go’doomaan Muqdisho iyo Baydhaba iyadoo madaxda maamulka K/Glabeed ay diyaarad u raacaan labada magaalo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON