Wednesday, June 25, 2025

Shariif Xasan oo eedeyn u jeediyay dowladda Federaalka & Musharax C/casiis Lafta-gareen oo u jawaabay

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ee waqtigiisu sii dhammaaneyso Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si weyn ugu eedeeyay dowladda Federaalka Somalia inay faragelin ku heyso doorashada maamulkaasi.

Shariif  Xasan ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya  aymagaalada Baydhabo ku soo daadgureyneyso diyaarado sida baabuur aan xabada karin iyo xubno ay u soo magacawday inay madax ka noqdaan maamulka K/Galbeed, taasoo sharci darro ah sida uu yiri.

Wuxuu sheegay in dadka reer Koofur Galbeed ay yaqaanaan dadka dooranayaan iyo sida ay wax u dooranayaan, isagoo dowladda Soomaaliya ku sheegay inay qas ka wado degaanada K/Galbeed.

Musharaxa xilka Madaxweynaha ee C/casiis Lafta-gareen oo maanta xaflad ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa u jawaabay Shariif Xasan isagoo sheegay in Shariif Xasan uu doonayo inuu keligiis Baydhaba u wato baabuurta aanay rasaastu karin, wuxuuna u tilmaamay in baabuurtaasi lagu iibiyo magaalada Muqdisho, isaguna uu hore u lahaa.

C/casiis Lafta-gareen ayaa ku eedeeyay Shariif Xasan inuu ka xun yahay in dad la yimid oo wata Gadiidka oo u wato oo kale inaysan imaan Baydhaba.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON