Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa heshiis la gaaray shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.
Shirkaddan ayaa la sheegay inay dib u dhiseyso Dekedaha Magaalooyinka Marka iyo Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana shirkaddan SIIH (Silkroad International Industry Holding) ay bahwadaag la tahay Shirkadda Damerjog oo laga leeyahay dalka Jabuuti.
Wararka ayaa sheegaya in shirkaddan ay marka hore dhisi doonto dekedda ku taala Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ee Magaalada Merka, sanadkan gudihiisa. Waxaana heshiiskan oo ahaa mid saddex geesooda Isniintii lagu saxiixay Magaalada Djibouti.
Xafladda saxiixa heshiiska waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gudoomiyaha Maamulka Dekedaha Jabuuti Abuubakar Cumar Haadi iyo masuuliyiin ka socday Shirkadda SIIH. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Somaliya, Danjire Aadan Xasan Aadan.