Monday, June 23, 2025

Shariif Xasan oo qarka u saaran inuu qaadaco ka qeybgalka shirka Madasha ee magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Maamul goboleedka K/Galbeed ee Soomaaliya ayaa lagu tirtirsiiyay inuusan ka qeyb gelin shirka madasha Qaran ee qaabka doorashada dalka 2016 oo la qorsheeyay inuu ka furmo magaalada Kismaayo 10-ka Janaayo 2016.

Qaar ka mida Xildhibaanada  Federaalka ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay suuragal ahayn in shirka Kismaayo ay tagaan iyadoo dagaal lagu hayo maamulka Koonfur Galbeed, waxyaaa ku eedeeyeen Puntland iyo Jubba ay ka danbeeyaan qaska ka socda degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ee la sheegay in maamul la magac baxay Bakoolsare looga dhawaaqay.

Xiriirka maamulada K/Galbeed oo dhinac ah iyo Puntland iyo Jubba oo dhinaca kale ah ayaa sii xumaaday markii labadan maamul ay qaab beeleed ku taageereen maamul laga sameeyay Ceelbarde oo ka horjeeda K/Galbeed.

Ad

Magaalada Kismaayo ayaa diyaargarow ugu jirta marti gelinta shirka madasha, iyadoo madaxweyne Axmed Madoobe uu Addis aaday kadib markii looga yeeray, waxaana lagu wadaa in arrimahan ay soo farageliso Itoobiya oo hadda noqotay halka laga xumo maamulada beeleed ee dalka ka jira.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON