Wednesday, June 25, 2025

Shariif Xasan oo Muqdisho looga yeeray, kuna biiray ololaha ansixinta xukuumadda cusub

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si degdeg ah u yimid Muqdisho isagoo qeyb ka ah ololaha loogu jiro kalsooni siinta xukuumadda cusub.

Shariif Xasan oo kulan muhiim ah uga socday magaalada Baydhaba oo ku saabsan waxqabadka maamulkiisa ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho goor dhow, waxayna wararku sheegayaan inay u yeereen madaxda sare ee dowladda Federaalka.

Xildhibaanada ugu badan ee ka soo horjeeda xukuumada ayaa ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana Shariif Xasan loogu baahday inuu ka qeyb qaato qancinta xildhibaanadaasi oo uu galaangal badan ku leeyahay.

Shariif Xasan oo dhowaan ku baaqay in la taageero xukuumadda cusub, baarlamaankuna ansixiyo ayaa hadda kulamo la qaadanaya madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON