Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu diyaariyay liiska musharixiinta 8-da xubnood ee Aqalka sare.
Wuxuu sheegay in liiska musharixiinta oo ay ku jiraan musharixiin haween ah oo laba kursi u sharxan, ayna u gudbi doonaan Guddiga Doorashooyinka Dadban.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa horey u sheegay in ay diyaar yihiin xubnaha Maamuladooda uga mid noqonaya Aqalka Sare, waxaana la sugayaa Maamulka Jubbaland oo ugu danbeyn gudbin doona Jimcaha.
Puntland ayaa diyaarisay 44 xubnood oo u sharxan 11 kursi oo aqalka sare ka mida, taasoo micnaheedu yahay in kursi waliba ay u tartamayaan 4 musharax.
Goobjooge.com