Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mida madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa si weyn u dhaliilay sharci darrada uu ku dhaqmayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo u sheegay inuu sameeyay wax aan hore dalka uga dhicin.
“25-kii July sidii Ra’iisal wasaare isku casilay ilaa maanta lama magacaabin Ra’iisal wasaare wax hore usoo dhacay maana.. waa dhacday in daluk dowlad la’aan yahay laakiin in Baarlamaankii oo jira, Madaxweynihii oo jira in dalku ahaado Ra’iisal wasaare la’aan weli wax dhacay maaha.. in haddana la yiraahdo xukuumadii ayaa shaqeyneysa oo wasiiradii maalin waliba sharci soo gudbiyaan, baarlamaankuna ka doodo waa nasiib darro. Mar haddii Ra’iisal wasaarihii dhacay xukuumadiina waxala dhacday..” ayuu yiri Shariif Xasan oo ka mdi ahaa madaxda Madasha ee shirka jaraa’id maanta qabatay.
Wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo ku tmasho sharci, wuxuuna yiri “Madaxweynaha inuu ku tumanayo sharciga oo One man Show uu wado wax loo dul qaadan karo maaha.. waan kasoo horjeednaaa. Wax Alla wixii ka bilowda 25 July Sharci la ansixiiyey ama Gudi la magacaabay waa sharci darro. In dadka sharci darro lagu hoggaamiyo madaxweynihii ay ahayd inuu sharciga ilaalyio inuu ku tunto waa nasiib darro”.
